Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay xalay dalka ku soo laabteen illaa 230 qof oo Soomaali ah oo la kala socday saddex duulimaad. Duulimaadyada ayaa ka kala degay magaalooyinka Muqdishu iyo Garoowe.
Rakaabkan ayaa laga soo kala qaaday magaalada Jubba oo ku taalla South Sudan iyo Addis Ababa oo ah caasimadda dalka Ethiopia. Masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka arrimaha debedda ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey muwaadiniintan dalka ku soo laabtay.