Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdishu ku geeriyooda qoraa sare Ciise Faarax Maxamed oo ka tirsanaa bahda saxaafadda muddo dheerna kasoo shaqeeyey wakaaladii madbacadda qaranka ee Soomaaliya.
Ciise Faarax waxaa kale oo qoraalladiisa lagu daabaci jiray wargayskii ku hadli jiray afka dawladdii milatariga ee Xiddigta Oktoobar. Warbixintan waxaa inoo soo diray Xasan Kaafi Qoyste.