Dagaallada magaalada Laascaanood waxay sababeen barakac, waxaana dad badan ay u qaxeen dhinaca degaanka Kalabaydh oo ilaa 30km u jirta Laascaanood. Halkaas waxaa tagay weriyahayaga Cabdikariim Olol oo booqday xarun caafimaad, waxaana uu la kulmay qaar ka mid ah dadka adeegyada loo fidiyye iyo mas’uuliyiinta caafimaadka, warbixintan ayuun noo soo diray.