Qaar ka mid ah dadweynihii ku ganacsan jiray suuqa Waaheen ee gubtay gugii hore ayaa cabasho ka muujiyay shirkad laga leeyahay dalka Eswatini ee ku yaalla dhinaca konfureed ee qaaradda Afrika taasi oo la sheegay in ay ku guuleysatay qandaraaska dhismaha qaybta dawladda ee Suuqa Waaheen. Ganacsatada ayaa ka digay in la hirgeliyo tallaabadaasi.
Warkan waxaa Hargeysa ka soo diray Khadar Maxamed Cakule.