Isku xirrada

War Deg-Deg ah

NISA oo sheegtay dilka 20 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab


NISA
NISA

Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda ee NISA ayaa sheegtay in hawlgal ay si wadajir ah Khamiistii u fuliyeen iyaga iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen ugu yaraan 20 ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab.

Bayaan goor dambe oo Jimcihii ah kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in halwgalkan uu ka dhacay inta u dhaxaysa deegaannada Ugunji iyo Mubaarak ee gobalka Shabeellaha Hoose.

NISA ayaa intaas ku dartay in tobannaan kale oo Al-shabaab lagu dhaawacay howlgalkan, isla markaana ay 'firxadkooda ku daba joogaan kuwa kale oo baxsad ah.'

VOA si madax-bannaan uma xaqiijin sheegashada NISA.

"Howlgalka aan dalkeena iyo dadkeena uga xorreynayno Khawaarijta ma joogsan doono ilaa iyo inta taako ka mid ah dhulkeena ay joogaan Khawaarijta, waxaana u mahadcelinaynaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka ee nagu garab taagan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta" ayaa lagu yiri bayaanka NISA.

XS
SM
MD
LG