Magaalooyinka Soomaalida ee Geeska Africa waxaa maanta si isku mid ah looga dabbaaldeggay munaasabadda Ciidul-Fitriga. Madaxweynaha Somaliland, Muse Biixi Cabdi oo salaadda kala qeybgalay dadweynaha Hargeysa ayaa dadka deggan gobolka Sool ugu baaqay in colaadda gobolkaasi ka taagan la joojiyo oo lawada hadlo.
Warbixintan waxaa Hargeysa ka soo diray Khadar Cakule.Madaxweynaha
Dhinaca magaalada Laascaanood-na, oo dadku inta badan ay uga carareen dagaalladda magaaladaasi ka dhacayay, waxaa maanta laga ooggay salaadda ciidul-fitriga, oo lagu tukaday masaajidka weyn ee magaaladasi ku yaalla.
Duqa magaalada Lascaando Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa sheegay in nabad ka dhacda gobolka Sool ay ku jirto gacanta madaxweynaha Somaliland, isagoo ugu baaqay inuu ciidankiisa ka saaro magaalada.
Cabdikarim Olol ayaa warbixintan ka so diray Laascaanood.
Magaaada Bossaso-na, dadweynaha ayaa maanta si weyn ugu dabbaaldeggay munaasadda ciidda. Warbixintan waxaa noo soo dirtay Faadumo Yaasiin
Magaalada Kismaayo ayaa ka mid ah, deegaanada Soomaalida ee sida weyn looga ciiday, iyada oo masuuliyiin kala duwani ay shacabka deegaankaas kala qayb galeen gudashada salaadda ciidda.
Weriyaha VOA Aadan Maxamed Salaad ayaa warbixintan innooga soo diray Kismaayo.
Weriyaha VOA Ramadaan Muuse ayaa isna warbixintan ku eegaya sida looga ciiday guud ahaan dalka Djibouti, gaar ahaan caasimadda dalkaas.
Dhinaca kalena magaalada Jigjiga ayaa ka mid ah, deegaanada sida weyn looga ciiday, iyada oo madaxweynaha dawlad deeganka Soomaalida Mustafe Cumar uu kala qayb galay dadweynaha tukashada salaadda ciidda.
Weriyaha VOA Maxamed Cabdiraxmaan Ugaas Gaataa ayaa warbixintan ka soo diray Jigjiga.