Dagaallo ayaa maalintii saddexaad ka socda caasimadda dalka Sudan ee khartuum, iyadoo dhimashada dagaalka uu keenay ay sii kordhayso.
Dagaalkan ayaa u dhexeeya ciidamada Sudan ee ka amar qaata hoggaamiyaha militariga Jeneraal Cabdelfataax Al-Burhaan iyo ciidanka Gurmadka Degdegga ah ee daacadda u ah Jeneraalka lagu magacaabo Maxamed Xamdaan.
Idaacadda VOA ayaa waxaa u suurtogashay inay la hadasho qaar ka mid ah ardayda Soomaalida ah ee sugan caasimadda Khartuum ee dalka Sudan, kuwaasi oo qaarkood sheegay inay doonayaan inay dawladda Soomaaliya ka daadgurayso dalkaas.
Warbixintan waxaa soo diray weriyahayaga Xasan Kaafi Qoyste.