War Deg-Deg ah

Wasiir Axmed Xasan oo faah-faahin ka bixiyay kalluumeysiga sharci-darrad ah, wareysi

Wasiirka Kalluumeysiga
Wasiirka Kalluumeysiga

Laba ilo-wareed oo kala duwan ayaa u sheegay idaacadda VOA in toddobaadkii hore xeebaha Soomaaliya lagu qabtay laba doonyood oo laga leeyahay dalka Iiraan oo lagu eedaynayo inay si sharci-darro ah uga kalluumaysanayeen biyaha Soomaaliya. Doonyahan ayaa ilo-wareedyadu sheegeen in lagu hayo xeebta Muqdisho.

Dhowaan ayey dawladda Soomaaliya saxiixday baaqa Copenhegan oo ah baaq caalami ah oo kasoo horjeeda dambiyada ka dhaca badaha oo uu ku jiro kalluumaysiga sharci-darrada ah.

Haddaba kadib markii baaqaas ay saxiixday dawladda Soomaaliya, kana horraysay qabashada maraakiibta ee toddobkii hore ayaa Haaruun Macruuf uu khadka telefoonka kula xiriiray Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Federaalka Axmed Xasan Aadan, ugu horrayna waxa uu weydiiyey faahfaahinta heshiiskaas lagu saxiixay dabayaaqadii bishii hore magaalada Copenhegan ee dalka Denmark.

Wareysiga Wasiirka Kalluumeysiga.m4a

No media source currently available

XS
SM
MD
LG