Muqdisho —
Taliska Boosliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay dhaqan-gelinayaan amarkii dhowaan kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxauud ee lagu mamnuucayay in magaalada Muqdisho lagu dhex qaato hubka waaweyn.
Haddaba ma fududahay in amarkan muddadaasi kooban lagu dhaqan-geliyo? Warbixin su’aashaas ka jawaabeysa waxaa Muqdisho inooga soo diray weriyaheenna Cabdicasiis Barrow.