Wafdi ka socday Saldanadda Cummaan oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ayaa gargaar gaarsiiyay ku dhawaad saddex kun oo qoys oo ka mid ah qoysaskii ay saameeyeen abaaraha ee ku soo barakacay duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo. Gargaarka ayaa ku soo beegmay xilli lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan oo ay dadku si weyn ugu baahi qabeen.
Faafaahinta warkaasi waxaa Kismaayo ka soo diray Wariyaha VOA, Aadan Maxamed Salaad.