Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay musiibooyinkii is xig-xigay ee ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxayna sheegeen in laba diyaaradood oo sida gargaar isugu jira dawo iyo cuno ah oo ay iska kaashadeen Hay'adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ay gaarsiinayaan Baardheere, si loo gacan siiyo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.
Sidoo kale, maamulka Jubbaland ayaa baaq ka soo saaray xaaladda bani’aadannimo ee ka jira Baardheere.
Faafaahinta warkaasi waxaa Kismaayo ka soo diray Wariyaha VOA Aadan Maxamed Salaad.