Isku xirrada

War Deg-Deg ah

New York: Xeer-ilaaliye oo ku gacansaydhay dalab uga yimi Congresska oo la xidhiidha baadhitaanka Trump


NY probe continues on Trump payments
NY probe continues on Trump payments

Xeer Ilaaliyaha Degmada Manhattan Alvin Bragg ee New York, ayaa Khamiistii diiday dalab ka yimi saddex xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga kaas oo ku saabsanaa inuu ku wareejiyo dukumiintiyada la xidhiidha baaritaanka Madaxweynihii hore ee Donald Trump ee inuu lacag siiyey gabadh eedo galmo usoo jeedisay si ay u aamusno oo aanay arrimahaas uga hadlin.

Lacagta la sheegay in la siiyey gabadhan ayaa ahayd illaa $130,000, waxaana lagu waramayaa in la bixiyey wax yar ka hor doorashadii madaxrinimada ee sannadkii 2016.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Degmada Manhattan Alvin Bragg ayaa horraantii toddobaadkan ka horyimi codsiga saddex guddoomiye guddi oo ka tirsan Aqalka Wakiilada isagoo ku tilmaamay inay tahay "xad-gudub sharci darro ah oo ka dhan ah madax-bannaanida New York."

Saddexda sharci-dejiye ee kala ah - Jim Jordan, James Comer iyo Bryan Steil - ayaa ku tilmaamay baadhitaanka Bragg uu ku sameeyey Trump inuu yahay "xad-gudub aan horay loo arag oo loo isticmaalay awoodda xeer ilaalinta."

Lataliyaha guud ee Bragg, Leslie Dubeck, ayaa u sheegtay sharci-dajiyayaasha in warqaddoodu “kaliya ay timid ka dib markii Donald Trump uu faafiyey warar aan sugnayn oo ku saabsna in la xidhi doono maalinimadii [Talaada] ee la soo dhaafay, iyada oo la sheegayo in qareennadiisu ay ku booriyeen in la soo farageliyo.

XS
SM
MD
LG