Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afmadow: 17 qof oo u geeriyooday cudurka shuban biyoodka


Isbitaalka Afmadow
Isbitaalka Afmadow

Wararka ka imanaya magaalada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in 17qof oo isugu jira caruur iyo dad da'ah ay cudurka shuban biyoodka ugu geeriyoodeen xarunta karantiilka ee isbitaalka degmadaas.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland oo gaaray Dagmadaasi ayaa deeq dawo iyo raashiin ah gaarsiiyay dadka cudurka shuban-biyoodka uu soo ritay ee ku dhaqan degmada Afmadow.

Wariyaha VOA ee Kismaayo Aadan Maxamed Salaad ayaa arrimahaasi ka wareystay wasiir ku-xigeenka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maxamed Cismaan Jeemis oo maalmahan ku sugnaa degmadaas.

Afmadow: 17 qof oo u geeriyooday cudurka shuban biyoodka
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:02 0:00

XS
SM
MD
LG