Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ku fulisay 'Dr. Fanax' iyo Shariif Jeego


Dr. Fanax iyo Shariif Jeego
Dr. Fanax iyo Shariif Jeego

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay saddex nin oo hore loogu helay dambiyo ay ka mid ahaayeen 'dilal iyo falal argagiso' kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Dr. Fanax iyo Dhammee Shariif Jeego.

Maxkamadda Ciidamada ayaa 15-kii January xukun dil ah ku ridday ninka lagu magacaabo Maxamed Cabdinuur Jiirow oo loo yaqaannay Dr. Fanax oo la sheegay in uusan aheyn dhaqtar sax ah, balse ka tirsanaa Al-shabaab oo xirfaddaan isku qarin jiray.

Waxaa lagu helay dembiyo isugu jiray dilal iyo hagidda qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay Maxkamaddu.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ku xukuntay Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka, kaasi oo lagu helay dambi ah inuu ku lug yeeshay qaraxyo iyo dilal ay fuliyeen kooxda Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Maxkamadda, Dhamme Shariif, waxaa loo soo xeray oo dambigooda lagu helay inuu Muqdisho soo geliyey gawaari qaraxyo ah.

Maxkamadda ayaa sheegtay inuu gawaaridaas ku baakimay dhowr goobood oo ganacsi oo ku yaalla Muqdisho sida; Village Hotel, Restaurant Afar, Baar Italia, agagaarka Mall-ka Xamar-weyne, Maqaayadda Cagaweyne, Ex Bilsan Restaurant, iyo goobo kale.

Waxa ay intaas ku dartay in illaa 27 qof oo shacab ah ay ku geeriyoodeen qaraxyada lagu helay Dhamme Shariif inuu soo geliyey caasimadda, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Ninka saddexaad ee isna saaka dilka lagu fuliyay ayaa ahaa Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow), kaas oo maxkamaddu sheegtay inay ku heshay dambiyo ay ka mid ahaayeen inuu koox dabley ah oo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab uu u gudbiyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Warbixinta waxaa Muqdisho kasoo dirtay Saynab Abukkar.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ku fulisay 'Dr. Fanax' iyo Shariif Jeego
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:16 0:00

XS
SM
MD
LG