Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xassan Sh. oo bogaadiyay howlagallada ciidamada dowladda iyo Jubbaland ee ka dhanka ah Al-Shabaab


Madaxweyne Xassan
Madaxweyne Xassan

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa dhagaxdhigay waddo isku xereysa Kismaayo iyo Afmadoow oo gaareysa 120-km.

Xassan Shiikh ayaa bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka biloowday Jubbaland, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda federaalka ah iyo kuwa Jubbaland.

Madaxweyne Xassan Shiikh oo saakay soo gabagabeeyay safarkiisa Kismaayo ayaa lagu wadaa in uu wax badan ka qabto xaaladaha siyaasadeed ee cakiran ee ka jira Gobolka Gedo isagoona balan qaaday in muddo kooban uu ku xallin doono.

Faafaahinta warkaasi waxaa Kismaayo ka soo diray wariyah VOA Aadan Maxamed Salaad

Halkan ka dhageyso warbixinta oo faahfaahsan
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:03 0:00

XS
SM
MD
LG