Xaalada magaalada Laascaanood ayaa degan maanta halkaas oo shalay ay ka dhaceen dagaallo culus, sida uu VOA u sheegay Af-hayeenka Guddida Bulshada Gobolka Sool Caail Abdirsaaq Maxamed Xasan Falaalug. Sidoo kalana waxa uu sheegay in guud ahaan Magaalada Laascaanood ay gacanta ku hayaan ciidamada deegaanka.
Warbixintan waxaa inoo soo diray Cabdikariim Olol.
Dhinaca kale waxaa isna ka hadlay xaaladda magaalada Laascanood iyo dhaqdhaqaaqa ciidamada Somaliland Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud. Codkan oo uu baahiyey telefiishanka Somaliland ayaa isgaoo hadlayey waxa uu yiri:
Facebook Forum