Dhowanahan waxaa socoday eedaymo loo jeedinayey dowlada Djibouti kuwaasi oo ahaa in ay ku lug leedahay dagalka ka socda Laascaanood. Wasiirka Arrimaha dibadda ee Djibouti ayaa horay arrintaasi ugu beenineyey qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa.
Wasiiirka Maaliyadda Djibouti Ilyaas Muuse Dawaaleh ahna Afhayeenka xisbiga RPP ee hogamiya Djibouti oo la hadlay VOA ayaa ka dalbaday dadka Djibouti ku eedaynaya ku lug lahaanshaha dagaalka in ay caddaymo cad keenaan.
Waxa uu timamay ciidanka kaliya ee Djibouti hubkeeda haysta ee ku sugan Soomaaliya in uu yahay Ciidanka Hiil Walaal ee ka tirsan howlgalka ATMIS. Sagal Saciid Faarax ayuu u warramay.