War Deg-Deg ah

Warbixino ku saabsan Soomaaliya iyo Maalinta Raadiyaha Caalamka

Dunida waxaa maanta laga xusayaa maalinta Raadiyaha Caalamka. Haddaba waxaan idiin soo gudbineynaa warbixino kala duwan oo ku saabsan taariikhda raadiyaha iyo muhiimadda bulshada dhexdeeda marka ay noqoto helitaanka wararka, kordhiska aqoonta iyo madadaallada.

Mid ka mid ah saddex warbixinood oo aan idiin soo gudbineyno waa waraysiyo aanu la yeelanay qaar ka mid ah dadka Soomaalida ah ee ku sugan xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo muhiimaddu uu raadiyuhu u leeyahay.

Cabdisalan Salas oo VOA Dhadhaab uga soo warama ayaa warbixntaan xeryaha ka soo diray.

Warbixinta Cabdisalaan Salas

No media source currently available

Sidoo kale, magaalada Boosaaso weriyahayaga Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa kula kulantay mid ka mid ah suxufiyiinta ruug-caddaaga ah ee Soomaaliya, Khaliif Maxamed Barre “Khaliif Idaara,” waxayna soo dirtay warbixintan.

Warbixinta Faaduma Yaasiin

No media source currently available

Dhanka kale, magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka furan idaacado badan, waxaana ka mid ah Bilan Media oo ah Idaacad u gaar ah hablaha Soomaaliyeed.

Idaacaddan ayaa maamul iyo shaqaalaba waxaa ka ah gabdho xirfad yahanno ah waxyna soo saaraan barnaamijyo iyo sheekooyin xiriir la leh arrimaha bulshada, hase-ahaatee kama hadlaan siyaasadda.

Weriyaha VOA-da Cabicasiis Barrow oo booqday Xarunta Bilan Media ayaa warbixintaan soo socota kasoo diray Muqdisho.

Warbixinta Cabdicasiis Barrow

No media source currently available

XS
SM
MD
LG