Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jubbaland: Waxa aan ka hortagnay weerarro qaraxyo ah


Ciidamada Jubbaland
Ciidamada Jubbaland

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa maanta sheegay inay fashiliyeen weerarro qaraxyo ah oo kooxda al-Shabaab ay saaka ku soo qaaday degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in aroortii hor ee saake ay ku waabariisteen laba gaari oo qarax ah iyo rasaas xoogan oo ay is dhaafsadeen ciidamada Jubbaland iyo Kooxda Al-Shabaab.

Mahad Maxamed Islaam Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadoow ayaa khadka taleefanka ugu warramay wariyaha VOA Aadan Maxamed Salaad, waxaana ugu horeyn uu wax ka weeydiiyay sida ay wax u dhaceen.

Wareysi Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee Afmadow
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:57 0:00
XS
SM
MD
LG