Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Odayaasha Laascaanood oo Somaliland ku eeedeeyay in ay wali duqeyn ku hayso magaalada


Laascaanood
Laascaanood

Odoyaasha dhaqanka ee magaalada Laascaanood ayaa soo dhaweeyay xabbad-oojinta ay ku dhawaaqday Somaliland. Odoyaasha ayaa dalbaday in xabbad-joojintu ay xaqiiq noqoto oo aan la siyaasadeyn.

Dhinaca kale odoyaasha ayaa ku eedeeyay Somaliland in ay wali madaafiic ku garaacayso magaalada Laascaanood.

Somaliland ayaa iyaduna dhinaceeda ku eedeysay odoyaasha iyo ciidamada hubeysan ee taageersan inay weerareen ciidanka Somaliland ee ku sugan Laascaanood.

Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabbad-joojin shuruud la’aan ah oo ku saabsan xaaladda Laascaanood, waxaana xabbad-joojinta ku dhawaaqay Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore.

Warbixintan waxaa Laascaanood ka soo diray Cabdikariim Olol.

Odayaasha Laascaanood oo soo dhoweeyey xabbad-joojin ay ku dhawaaqday Somaliland
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:11 0:00
XS
SM
MD
LG