Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha wasiirada oo ansixiyey heshiis amni oo dhexmaray Imaaraadka iyo Soomaaliya iyo xeerar kale


Golaha Wasiirada
Golaha Wasiirada

Kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada ee Soomaaliya ayay ku ansixiyeen xeerar kala duwan oo ay ka mid yihiin xeerka gaadiidka badda oo ay soo gudbisay wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda iyo hindise-sharciyeedka horumarinta iyo maareynta kalluumaysiga oo ay soo gudbisay wasaaradda kalluumaysiga.

Shirkan aan caadiga ahayn oo uu shirguddoomiyey ra'iisal wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey heshiis dhexmaray dawladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, oo ku saabsan iskaashi milateri, mid amni iyo weliba la dagaalanka argagixisada.

"Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku ammaanay Wasaaradaha soo diyaariyey xeerarka iyo heshiisyada ay ansixiyeen Golaha Xukuumaddu, waxa uuna tilmaamay sida ay muhiimka ugu tahay horumarka dalka." ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra'iisal wasaaraha Soomaaliya.

Dhinaca kale, Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu bogaadiyey heshiiskii lagu gaaray shirkii dib u heshiisiinta Koonfur-Galbeed.

Golaha wasiirada ee Soomaaliya ayaa dawladda Turkiga iyo shacabkeeda uga tacsiyeeyey dadka ku dhintay dhulgariirkii ku dhuftay waddaankaasi.

XS
SM
MD
LG