Wararka ka imanaya deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud ee ay dhowaan la wareegeen ciidamada isgarabsanaya ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa sheegaya in ciidama cusub oo ka socda dowladda ay halkaasi gaareen.
Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa ciidamada cusub ee gaaray Degmada Ruun Nirgood ka wareystay Guddoomiyaha degmadaasi Muxiyaddiin Maxamuud Kulmiye (Macallin Muxiyaddiin), wuxuuse ugu horreyn ka hadlayaa xaaladda degaanka uu ku sugan yahay ee Ruun-Nirgood.