Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay Puntland


Qarax
Qarax

Subaxnimadii hore ee saaka waxaa meel u dhow degmada Ceelaayo oo ka tirsan gobolka Haylaan ee Puntland oo qiyaastii 30 kiilo mitir dhinaca galbeed ka xigta magaalada Boosaaso ka dhacay qarax miino oo dhulka lagu aasay isla markaasna lala eegtay gaari ay saarnaayeen dad rayid ah.

Qaraxan ayàa sababay dhimashada 2 ka tirsanaa dadka dahabka ka qota deegaanka Milxo iyadoo uu dhaawac culusi ka soo gaaray qof saddexaad oo ka tirsan dadka dahabka ka Qota Degaanka Milxo. Weriyahayaga Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa dhacdadan ka waraystay mid ka mid ah dadka deegaanka oo sababo amaan darteed codsaday inaan magaciisa la sheegin.

Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay Hayland
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:56 0:00

XS
SM
MD
LG