Xalay saqdii dhexe waxaa magaalada Baydhabo lagu soo geba gebeeyey shirkii dib u heshiisiinta ee maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah, waxayna dhinacyadii shirkaas ka qayb galay ay isku raaceen in soo xulista xildhibaannada ay sameeyaan odayaasha dhaqanku dhammaadka sanadkan, iyo in doorashada guddoonka iyo tan madaxweynahana la qabto bisha Januaary ee sanadka soo socda ee 2024.
Weriyaha VOA Mukhtaar Catoosh ayaa warbixintan ka soo direy Bayadhabo.