Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wefti ay hoggaaminaysay danjiraha Maraykanka u joogta Qaramada Midoobay Linda-Greenfield Thomas iyo danjiraha Maraykanka u jooga Soomaaliya Larry Andre.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay danjire Linda-Greenfield Thomas, hawlgallada ciidamada Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo deegaanada ay illaa haatan xoreeyeen, isaga oo ku bogaadiyey dawladda Maraykanka, gacanta ballaadhan ee ay ka geysteen la dagaallanka kooxda al-Shabaab, isagoo tilmaamay halista ay argagixisadu ku hayso gobolka.
"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay caqabadda ay ku hayso cunaqabetynta hubka ee saaran Soomaaliya si dib loogu dhiso ciidamada iyo dedejinta dabar-goynta argagixisada, waxa uuna ka rajeeyey Danjire LindaThomas in ay codka Mareykanka ku taageerto qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda cunaqabateyntaas, ayna qeyb ka noqdaan olalaha Soomaaliya ay ka waddo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey." ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in danjire Lind-Greenfield Thomas ay ku bogaadisay madaxweyne Xasan, dawladda iyo shacabka Soomaaliya, sida ay ugu istaageen la dagaalanka argagixisada, iyo horumarka laga sameeyey dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Darjire Thomas, inay muujisay, sida ay diyaarka ugu yihiin inay ka qayb qaataan gurmadka iyo adeegyada aasaasiga ah ee loo fidinayo dadka ku nool goobihii laga xoreeyey ururka al-Shabaab.
Dhinaca kale danjiraha Maraykanka u joogta Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in Mareykanku uu bixin doono in ka badan 41 milyan oo doollar oo dheeri ah, si loo badbaadiyo nolosha Soomaalida, looguna daboolo baahiyaha bini’aadinimo ee Soomaaliya.