Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Falanqayn: Sidee ugu suuro gashay in al-Shabaab ay weeraraan xarunta gobolka Banadir?


Muqdisho
Muqdisho

Xubno ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa shalay weerar ku qaaday xarunta maamulka ee Gobolka Banaadir, iyaga oo weerarkooda u adeegsaday qaraxyo iyo weerar toos ah oo wada socday. Maleeshiyaadka ururka al-Shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa gudaha u galay dhismaha, iyada oo weerarkaas ay ku dhinteen illaa 5 qof oo rayid ah, halka ay dhaawacmeen illaa afar qof oo kale, sida ay sheegtay dawladda Soomaaliya.

Wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal ay sameeyeen laamaha ammaanku inay ku dileen lix ka tirsanaa maleeshiyaadka al-Shabaab oo weerarkaas ku lug lahaa.

Haddaba maxaa u suuro geliyey ururka al-Shabaab inay weeraraan xarunta gobolka Banaadir oo ammaankeeda si aada loo ilaaliyo, falanqayn arrintaas ku saabsan waxaa innoo haya weriyaha VOA Xasan Kaafi Qoyste

Falanqayn: Sababaha keenay weerarkii xarunta gobolka Banadir
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:54 0:00

XS
SM
MD
LG