Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamad mar kale maanta dhageysaneysa kiiska Cabdalla Muumin


Cabdalla Muumin

Dhageysiga kiiska xoghayaha ururka u dooda xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalla Muumin ayaa saaka markii saddexaad dib uga billaabaneysa maxkamadda gobolka Benaadir ee magaalada Muqdisho.

"Waxaan rajeyneynaa in sarreynta sharcigu uu shaqeeyso, uuna Cabdalla Axmed Muumin helo gar caddaalad ah. Xaafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Suleyman Maxamuud waxaan ka dalbaneynaa in eeddiisa uu la laabto" ayaa lagu yiri qoraal kusoo baxay barta rasmiga ah ee Twitter ee SJS.

Ilaa intii ay billaabatay dhageysiga kiiskan dowladda Soomaaliya kama hadlin dacawadda Cabdalla Muumin.

Ururrada warbaahinta maxalliga ah ayaa cambaareeyay xarigga Cabdalle Muumin, iyaga ku baaqay in si shuruur la'aan ah loo fasaxo.

Ugu yaraan toddoba ka mid ah hay'adaha xuquuqda Aadanaha iyo xorriyada saxaafadda caalamka ayaa iyaguna bayaan ay soo saareen dabayaaqadii December waxay dowladda Federaalka uga dalbadeen 'inay si degdeg ah u baabi'so dhammaan eedeymaha ka dhanka ah' xoghayaha ururka SJS Cabdalla Muumin.

"Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, Mudane Muumin waxa uu la kulmay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqdiisa bini’aadminimo oo ay ka mid yihiin xarig aan loo meel dayin, in la duudsiyo xuquuqaha garsoor ee caddaaladda iyo xad-gudubyo lagu sameeyay xuquuqdiisa xorriyadda hadalka." ayaa lagu yiri bayaan ay si wadajir ah u soo saareen hay'adaha Amnesty International, Human Rights Watch, Article 19, International Press Institue, CPJ, Pen International iyo Robert F. Kennedy Human Rights.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG