Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka u ah Koonfur Galbeed waxaa ka socda shirka dib u heshiisiinta ee u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ah masuuliyiinta ka qeyb-galaya shirka.
Haddaba aqoonyahannada qaar ee kasoo jeeda Koonfur-Galbeed ee ku nool dalka Canada ayaa ka hadlay muhiimadda shirka iyo waxa la gudboon siyaasiyiinta.
Wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Yaasiin Abiikar iyo Cabdikariim Maxamed Yuusuf (Cabdrixiim Iikow) oo deggan gobolka Ontario ee dalkaasi Canada, ugu horreyna waxa uu waydiiyay aragtidooda ku aaddan shirka, waxaa ku hormaraya Cabdiraxiim Iikow.
Facebook Forum