Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu danbeeyey ee saddex qarax oo ay Al-Shabaab ka fulisay Hiiraan


Ciidamada dowladda
Ciidamada dowladda

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay in ka badan 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen saddex qarax oo maanta ka dhacay deegaano ka tirsan maamulka Hirshabeelle ee bartamaha Soomaaliya.

Magaalada Buulobarde oo qiyaastii 220 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana ku dhintay ugu yaraan 11 qof, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo saraakiisha caafimaadka.

Gudoomiyaha deegaanka Duduncad Cabdullahi Isxaaq Xaaji oo la hadlay wariyaha VOA ee Gobalka Hiiraan Xuseen Xasan Dhaqane ayaa sheegay in guryo iyo goobo ganaacsi oo degaanka ku yiilay ay gubeen Al-Shabaab.

Qaraxyo dhimasho sababay oo maanta ka dhacay Hiiraan
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:06 0:00

XS
SM
MD
LG