Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DFS oo si rasmi ah u shaacisay boqolaal akoonno oo ay ka xirtay Al-Shabaab


Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in dowladdu ay xirtay akoonno iyo taleefanno ay Al-Shabaab lahayd. Hadalkan ayaa yimid xilli dhowaan Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud iyo Ra’isul Wasaare Xamza Cabdi Barre ay sheegeen in dowladdu ay horumar ka sameysay dagaalka dhinaca dhaqaale ee ay kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale, ciidamada hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA iyo kuwa Booliska ayaa howlgallo ay xalay iyo saaka ka fuliyeen degamada Dharkenley ee magalada Muqdisho waxa ay ku soo qabqabteen kooxo 'burcad' ah, hub, rasaas, waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada iyo maandooriye, sida ay qortay warbaahinta dowladdu.

Wariyaha VOA, Cabdicasiis Barrow, ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.

Dowladda Soomaaliya oo faahfaahisay dagaalka dhaqaale ee ka dhanka ah Al-Shabaab
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:13 0:00

XS
SM
MD
LG