Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Falanqeyn ku saabsan go'aanki shalay kasoo baxay Puntland


Saciid Deni
Saciid Deni

Puntland ayaa shalay ku dhowaaqay in maamulkeedu uu dhaqmi doono sidii dawlad madaxbanaan oo kale inta laga dhammaystirayo dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, iyadoo hannaanka dhamamsytirka dastuurkana ay qayb ka tahay Puntland.

Go’aanka kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in iyadoo raacaysa qodobo ka mid ah dastuurka federaalka iyo dastuurka Puntland ay si gooni ah dawladda federaalka ugala xaajoon doonto heshiisyada dawlad dhiska, gaar ahaan dhammaystirka datsuurka iyo heshiisyada kale ee siyaasiga ah ee awood qaybsiga, habdhiska amniga, wadaagga khayraadka iyo deeqaha caalamiga ah.

Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa weli ka jawaabin tallaabada Puntland. Warbixintan waxaa inoo soo dirtay Faadumo Yaasiin Jaamac.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:09:09 0:00
XS
SM
MD
LG