Madaxweynihi hore ee Brazl Jair Bolsonaro ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla gobolka Florida ee dalkaan Mareykanka Isniintii, kaddib marki uu sheegay inuu dareemay calool xanuun.
Arrintan ayaa kusoo beegantay maalin kaddib marki ay taageerayaashiisa midigta fog ay weerareen xarumo muhiim ah oo ay dowladda leedahay oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Brasilia.
Booliska oo kaashanaya milatariga ayaa ilaa iyo hadda xiray in ka nadan 1,500 oo ka mid ah dad lagu eedeeyay in ay ka qeybgaleen rabshadihi lagu qarbuday xarumaha dowladda Axaddii.
Kumannaan ka mid ah taageerayaasha Bolsonaro oo ah nin ku adag fikradaha xagjirnimada midigta fog, ayaa xoog ku galay xarumaha Baarlamaanka, Maxkamadda Sare iyo Xafiisyada Madaxtooyada, Brazil, halkaas oo ay burburiyeen daaqadaha, qalabka xafiisyada.
Weerarkaas ayaa lagu tilmaamay kii ugu xumaa ee lagu qaado hey’adaha dowliga ah ee Brazil tan iyo inti ay Brazil ka hana-qaaday dimoqraadiyadda, sannadihi sideetamaadki.
Madaxweynaha Brazil Luiz Inacio Lula da Silva, oo xafiiska loo dhaariyay 1-di bishaan Jannaayo ayaa wacad ku maray inuu caddaaladda horkeeni doono kuwa masuulka ka ah qalaanqalki ka dhacay caasimadda.