Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho oo lagu soo gebagebeeyey Shirweyne lagu lafaguray dhibaatada maandooriyuhu ku hayo bulshada


Muqdisho
Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagusoo gabagabeeyay shirweyne looga hadlayay dhibaatada maandooriyuhu uu ku hayo bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, waxana muddo laba maalmood ah oo uu socday shirweynahani, lagu soo bandhigay cilmi-baarisyo laga sameeyay wax-yaabaha ugu badan ee hadda dadku ay maandooriye ahaan u isticmaalaan.

Sidoo kale waxaa shirkaas qeyb ka ahaa dood-cilmiyeed ay ka qeyb-galeen madax iyo wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Waxaa muddada uu shirku socday ka hadlay dhakhaatiir ka kala socday xarumo caafimaad oo ku yaalla Gobollada dalka kuwaas oo ka sheekeeyay kiisaska la xiriira dadka qabatimay maandooriyaha iyo sida ay ula tacaalaan.

Weriyaha VOA-da Cabdicasiis Barrow ayaa la kulmay Cabdi Axmed Baafo oo ah Agaasimaha guud ee hey'adda Dhaxalreeb oo shirweynahaan soo abaabushay, waxa uuna weydiiyay nuxurka shirkaan iyo waxa xilligaan ay u qabteen?

Waraysi: Maandooriyaha iyo saamayntiisa dhalinyarada
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:53 0:00

XS
SM
MD
LG