Mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga ee kala qaybsan ayaa maalintii saddexaad oo xidhiidh ah waxay ku guul daraysteen inay isku raacaan hal musharax oo noqonaya afhayeenka aqalka congresska ee Maraykanka.
Maalinimadii Khamiista, waxaa la codeeyey markii 11aad, iyada oo musharaxa xisbiga Jamhuurigu Kevin McCarthy uu ku guuldaraystay inuu helo 218 cod oo uu ku noqon karo afhayeenka golaha, ka dib markii ay ka soo horjeesteen illaa 20 mudane oo ka mida xisbigiisa.
Codaynta ugu dambaysay ee 11aad ayaa waxaa hoggaaminayey musharaxa xisbiga Dimoqraadiga oo helay 212 cod, halka musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee Kevin McCarthy uu helay 200 oo cod.
Madaxweynihii hore ee Donald Trump ayaa isagu helay hal cod oo keliya, ka dib markii uu soo jeediyey mudane ka tirsan aqalka Congressku, in Trump laftiisa loo doorto Afhayeenka Golaha.
Sharciga ayaa ogol inuu xilka afhayeenka golaha u tartami karo qof ka baxsan xubnaha golaha.
Arrintan ayaa noqotay, loollankii ugu muddada dheeraa ee loo galo kursiga afhayeenka golaha Congresska muddo ku siman 164 sannadood.
Xildhibaanada golaha Congresska ayaa ka kooban 435 mudane, waxaana musharaxa noqonaya afhayeenka golaha looga baahan yahay inuu helo 218 cod. Xisbiga Jamhuuriga ayaa haysta 222 cod, hase ahaatee xildhibaanada qaarkood ayaa diidan musharaxa xisbigooda, una arka inaanu u qalmin booska uu u tartamayo.
Wariyaha VOA Jacfar Kukay ayaa arrinkan ka wareystay Xaashi Shaafi oo ka faallooda arrimaha Mareykanka kuna sugan gobolka Minnesota.