Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xamza oo magacaabay guddi doorasho oo ku-meel gaar ah


Xamza iyo guddiga doorasho ee ku-meel gaarka ah
Xamza iyo guddiga doorasho ee ku-meel gaarka ah

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay guddiga ku-meel gaar ah oo ka shaqeeya doorashooyinka kuraasta bannaan ee baarlamanka 11-aad ee Soomaaliya.

Xamza ayaa sheegay inuu magacaabista guddigan ku dhaqaaqay kadib markii uu arkay qodobada 99-aad iyo 100-aad ee dastuurka KMG ah, go’aanka guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo tirsigiisu yahay GSH/B11/0522, iyo wareegtadii Lr.60 ee burinta xeer madaxweyne Lr.40 oo uu soo saaray madaxweynaha ee lagu kala diray Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood ayaa kala ah:

1. Cabdiraxiim Cabdullaahi Shaafici
2. Cabdirisaaq Diiriye Warsame
3. Cabdi Hiis Udan
4. Cabdishakuur Abiib Hayir
5. Cabdullaahi Cabdi Aden
6. Mowliid Mataan Salaad
7. Maxamed Aadan Cismaan Yare
8. Yusuf Cabdikaadir Maxamed
9. Zahra Cabdiraxmaan Maxamed

Ra’iisul Wasaaraha ayaa isla maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha guddigan cusub, waxa uuna faray in waajibaadkooda shaqo ay u gutaan si hufnaan iyo caddaalad ay ku jirto.

XS
SM
MD
LG