Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka jawaabay warbixintii hanti-dhowraha


Wasiirka Maaliyadda Dr Elmi Mohamud Nur
Wasiirka Maaliyadda Dr Elmi Mohamud Nur

Xafiiska hanti-dhowraha guud ee dawladda Soomaaliya ayaa dhowaan daabacay warbixin sannadeedka maaliyadda ee 2021-ka, taasi oo uu ku sheegay in 55% wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ay ku guuldarraysteen inay reebana caddaymihii lacag bxiinta kharashaadka xisaab-xirka hay’adahaas.

Waxaa kale oo hanti-dhowruhu sheegay lacag ku dow $100 milyan oo dollar ay Wasaaradda Maaliyaddu ka daynsatay hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Haddaba arrimahan ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Waxaana uu ugu horrayn weydiiyey sababta ay hay’adaha dawladdu diiwaan uga reebi la’yihiin kharashaadka ka baxa?

Wareysi: Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka jawaabay warbixintii hanti-dhowraha
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:57 0:00
XS
SM
MD
LG