Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo laga saaray degmadii ugu dambeysay ee HirShabeelle


Xoogga dalka
Xoogga dalka

Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeella Dhexe, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood.

Waxa uu sheegay General Caanood in Ruun-nirgood ay tahay degmadii ugu dambeysay ee maamul goboleedka Hirshabeelle ee laga xoreeyo maleeshiyada Al-shabaab.

"Saaka lixdii aroornimo waxay ciidamada isbaheysiga ay la wareegeen degmada Ruun-nirgood" ayuu General Caanood ku yiri shir jaraa'id oo uu qabtay, isagoo intaas ku daray in muddo ay dagaallo ka socdeen tuulooyinka hoostaga degmadan, kuwaas oo ay ka mid yihiin tuulooyinka Juxa, Al-naciima, iyo Al-kowthar.

Generaal Caanood ayaa sheegay in dagaallada ka dhacay tuulooyinkaas ay maleeshiyada Al-shabaab ugu dhinteen ugu yaraan 150 Al-shabaab ah oo ay ku jiraan 5 xubnood oo ajnabi ah.

Wuxuu Generaal Caanood intaas ku daray in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay 'ku daba joogaan maleeshiyada Al-shabaab ee ka cararay degmada Ruun-nirgood markii ay ciidankoddu uu soo galay.'

Warbixintan waxaa soo diray Xuseen Xasan Dhaqane.

Al-Shabaab oo laga saaray degmadii ugu dambeysay ee HirShabeelle
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:06 0:00

XS
SM
MD
LG