Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Messi vs Mbappe: Yaa ku guuleysan doona Koobka Adduunka? 


Kadib 63-kulan, Koobka Adduunka ee ka socda Qatar ayaa soo xirmay maanta, waxaana xulka difaacanaya koobka ee France ay final-ka tartanka ku wajihi doonaan Argentina garoonka Lusail Stadium, iyadoo labada xul ay doonayaan inay koob saddexaad ku soo daraan qasnadooda.

Tababaraha Fransiiska Didier Deschamps oo ka mid noqday shakhsiyaadka ugu muhiimsan ciyaaraha ayaa doonaya inuu noqdo tababarihii ugu horreeyay ee laba jeer oo isku xigta ku guuleysta Koobka Adduunka kadib dagaalkii labaad ee Adduunka.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay labadan xul ku kulmaan koobka adduunka 2018 oo ay France 4-3 ku garaacday Argentina wareega 16-ka, kulankaas oo la dhihi karo waa kulankii ugu xiisaha badnaa ee ka dhaca Russia.

Ciyaarta kama dambaysta ah, waxa kale oo ay isku dhici doona xiddigaha Messi oo 35 jir ah oo ciyaaraya kulankiisii ugu dambeeyay ee Koobka Adduunka iyo saaxiibkiisa Paris Saint-Germain Kylian Mbappe oo 23 jir ah.

Labadan ciyaaryahan ayaa koobka aduunka ka dhaliyay min shan gool, waxaana ay u badan tahay inay ka tagaan dalka Qatar iyagoo heysta seddex koob, iyagoo sidoo kale ku tartamaya abaal marinta kabaha dahabka ee gooldhalinta iyo sidoo kale kubada dahabka ee ciyaaryahanka ugu fiican tartanka.

Croatia ayaa 2-1 ku garaacday Morocco ciyaartii kaalinta seddexaad ee Sabtidii.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG