Washington —
Arrinta ugu weyn ee xoogga lagu saarayay shir-madaxeedka Mareykanka iyo Africa ee ka socday magaaladan Washinton waxa uu ahaa maalgashiga iyo ganacsiga ka dhexeeya labada dhinac.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Mareykanku uu u qoondeeyay lacag gaareysa 55 Bilyan hagaajinta iyo dhismaha kaabayaasha Afrika.
Haddaba, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene, oo kamid ah wafdiga Madaxweynaha ayaa weriyaheenna Jacfar Kuukaay uga warramay waxa Soomaaliya ay ka faa'iidi karto shirka iyo go'aannada kasoo baxay.