Washington —
Maamul goboleedka Hirshabelle ayaa deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan kala wareegay maleeshiyada Al-shabaab, oo deegaannadaas gacanta ku hayay muddo sanado ah.
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaan ku eegeynaa howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee Hirshabeelle iyo xaaladda nololeed ee dadka ku nool deeggaannada laga saaray Al-shabaab, waxaana marti ku ah wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle Cabdiraxmaan Ibraahim Guure.
Waxaa soo diyaariyay, soona jeedinaya Nuur Xasan Nuur.
Facebook Forum