Agaasimayaasha Fulinta ee hay’adda IMF ayaa soo dhaweeyey sida ay uga go'an tahay maamulada Soomaaliya dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo geeddi-socodka barnaamijka deyn cafinta ee loo soo gaabiyo HIPC, in kasta oo ay jiraan caqabado ka dhashey dhibaatada cunto yaraan daran oo ka jirta Soomaaliya.
Madaxda IMF waxay ku baaqeen in lasii wado dadaallada mas'uuliyiinta Soomaaliya iyo taageerada joogtada ah ee saaxiibada caalamka, si wax looga qabto dhibaatooyinka bini'aadantinimo loona yareeyo nuglaanta cimilada si looga hortago dhibaatooyinka cuntada mustaqbalka.
Falastiin Axmed Iiman ayaa noo soo koobeysa warbixintan.