Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday degaan ku yaalla duleedka Beledweyne


Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa saaka waabarigii weerar ku qaaday degaan magaalada Baledweyne u jira ku dhawaad 30KM.

Weerarka ayaa imanaya iyadoo inta badan ciidamada dowladda iyo maleeshiyada deegaanka ay la wareegeen deegaanada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday ay ka yimaadeen dhinaca Galbeed ee gobolka Hiiraan.

Warbixinta waxaa Beledweyne kasoo diray Xuseen Xasan Dhaqane.

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday degaan ku yaalla duleedka Beledweyne
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:56 0:00

XS
SM
MD
LG