Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkii kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Villa Rays ay ku geeriyoodeen 8 qof oo shacab ah, kuwaas ay ku jireen saddex qof oo ku noolaa dalka Britain.
Allah ha u naxariistee Maxamed Xasan Cilmi Sayid iyo Cabdiqaadir Cilmi Axmed Garweyne ayaa kamid ahaa guddiga sare ee maamula Masjidka Al-Raxma ee magaalada Birmingham, halka Jamaal Ubaxle-na uu ahaa ganacsade.
Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa haddaba khadka taleefanka ee Birmingham kula xiriiray Maxamed Cumar Cilmi oo ay walaalo yihiin Maxamed Xasan Cilmi, ugu horreyna waxaa uu xaqiijinayaa geerida dhacday.
Facebook Forum