Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalka ka dhacay inta u dhaxeysa Aadan Yabaal iyo Mahadaay lagu dilay boqol ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab oo 12 ka mid ah ay horgoogeyaal ahaayeen.
Warkaan ayaa waxaa weriyeyaasha Muqdisho u sheegay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala oo shir jaraa'id ku qabtay gudaha wasaaradda Warfaafinta ee Caasimadda Soomaaliya.
Wariyaha VOA, Cabdicasiis Barrow, ayaa warbixintan ka soo diray Muqdisho.