Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan oo tagay magaalada Baxdo, lana hadlay dadka deegaanka


Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud iyadoo safarkan uu qeyb ka yahay dardar-gelinta “howlgalada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta Al-shabaab," sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Waa safarkii labaad ee uu Madaxweyne Xassan Shiikh maanta ku tago deegaannada dalka ee ay ka socdaan howlgallada lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa gelinkii hore ee maanta tagay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, isaga oo kula hadlay dadka deegaanka ee dhowaanahan waday dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa ka mid ah goobaha ay dhowaan ka socdeen abaabulka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyadoo deegaannadaasi ay dhowr mar ka dheceen iska horimaadyo ciidamada dowladda iyo shacabka oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa Baxdo kusoo dhoweeyey Madaxweyne Galmudug Axmed Qoorqoor, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, iyo dadweynaha deegaanka.

“Madaxweynaha jamhuuriyadda oo boqolaalka ka mid ah bulshada magaalada Baxdo kula hadlay fagaaraha Masjika Al-nuur oo ah saldhigga halganka diiniga ah ee ka hortagga fikirka gurracan iyo gumaadka Khawaarijta Al-shabaab ayaa ku bogaadiyay sida naf hurnimada ah ee ay ugu guntadeen difaaca dhulkooda, waxa uuna adkeeyay muhiimadda in waqti kooban lagu xoreeyo deegaannada Galmudug ee ku haray gacanta cadowga,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay Madaxtooyada Soomaaliya.

Qoraalka madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu dadka Baxdo u ballan qaaday in adeegyada dowladda la gaarsiin doono deegaannada laga qabsaday Al-Shabaab.

“Dadka ree Baxdo, waqti munaasib ah ayey qaateen go'aan dhaxal gal ah, kaasi oo horseeday in maanta ay si nabad iyo xorriyad ah ugu noolaadaan deegaankooda iyaga oo aan cabsi ka qabin amarrada qaldan iyo addoonsiga Khawaarijta isla markaana difaacday naftooda, maalkooda, sharafkooda iyo diintooda,” ayuu yiri madaxweynuhu.

“Geeddiga dabar-goynta Khawaarijtu waa billowday, waa in aan dhaqso ku rumeyno riyada halyeeyadii naga shahiiday iyaga oo difaacaya deegaankan oo aan cadowga uga daba tagno meelaha uu weli ku dhibaateynayo dadkeenna.”

Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaanno ka tirsan Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ka socday kacdoon lagaga soo horjeedo AL-shabaab, iyada oo ciidamada dowladda oo kaashanaya maleeshiyaad ka tirsan dadka deegaanka ay Al-shabaab ka xoreeyeen magaalooyiin, tuulooyin iyo deegaanno dhowr ah.

XS
SM
MD
LG