Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Militariga Soomaaliya oo deegaanka Burdaar 'ku dilay' 12 Al-Shabaab ah


Xoogga dalka
Xoogga dalka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in militariga Soomaaliya uu 12 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ku dilay deegaanka Burdaar ee gobolka Hiiraan, kadib weerar ay halkaas ku qaadeen aroorti hore ee saaka.

Generaal Caanood oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay sidoo kale fashiliyeen isku dayga weerarka Al-shabaab, kadib markii ay heleen xogta weerar qorsheysan, oo sida uu sheegay ay la damacsanaayeen ciidanka xoogga dalka.

Waxa uu sheegay in saddex askari oo ka tirsan ciidamada xoogga ay ku dhaawacmeen weerarkan.

VOA iyo warbaahinta kale ee madaxa-banaan midna uma suurtagalin inay xaqiijiyaan sheegashada militariga Soomaaliya ee dilka maleeshiyadan.

Howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay ka socday deegaanno ka tirsan Hirshabelle iyo Galmudug, iyadoo magaalooyin iyo tuulooyin badan laga saaray maleeshiyada Al-shabaab, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen magaalooyin istiraatiiji u ahaa xukunka maleeshiyadan.

Warbixintan waxaa soo diray Xuseen Xasan Dhaqane.

Militariga Soomaaliya oo deegaanka Burdaar 'ku dilay' 12 Al-Shabaab ah
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:31 0:00

XS
SM
MD
LG