Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay madaxdii hore ee NISA ka yiraahdeen qaraxyada cusub ee Al-shabaab?


NISA
NISA

Saraakiishii hore ee hay'adda Nabadsuriggda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa ka hadlay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 100, halka 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Weerarada cusub ayaa kusoo beegmay xilli Muqdisho lagu soo gabangabeeyay kulan ay lahaayeen wasaaradaha Awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlayay arrimaha fikirka xagjirka ah iyo sidii loo suulin lahaa.

Wariyaha VOA-da Jamal Osman ayaa si kala gooni-gooni ah u wareystay ku xigeennadii hore ee NISA Ismaaciil Cismaan oo ah falanqeeye arrimaha amniga iyo Cabdisalaan Guuleed oo ah agaasimaha Machadka Daraasaadka Amniga Eagle Rangers Service, kuwaas oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab iyo weerarada cusub ee ay maleeshiyadani fulisay.

Maxay weerararda cusub ee Al-shabaab ka yiraahdeen madaxtii hore ee NISA?.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:11:15 0:00

XS
SM
MD
LG