Booliiska Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxyo maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho. Booliska ayaa sheegay in ay jirto dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxyadan.
Qaraxyadan ayaa lagu weeraray Dhimaha Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Soomaaliya oo ku yaala Igoyska Zoobe.
Wariyaha VOA-da Cabdicasiis Barrow ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.
Dhinaca kale, weerkan ayaa imanaya iyadoo maanta uu Muqdisho ku soo gabagaboobay shir looga hadlayay arrimaha xagjirka, kaasi oo gunaanadkiisa la isku raacay in Al-Shabaab loogu yeero 'Khawaarij'.
Shirkaasi waxaa soo xiray Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud waxaana ku sugnaa madaxda maamul goboleedyada.
Qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa dhaliilay fejignaanta amniga ee dowladda, gaar ahaan magaalada Muqdisho, xilli Al-Shabaab cadaadis miltari looga hayo gobollada dhexe. Seynab Abuukar Maxamed ayey la hadleen.