Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho


Photo by Jamal Ahmed Osman
Photo by Jamal Ahmed Osman

Weerar loo adeegsaday laba gaari oo walxaha qarxa laga buuxiyay ayaa lagu beegsaday wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, oo xarunteedu ay ku taallo inta u dhaxeysa isgoysyada Soobe iyo Banaadir.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qaraxyadu ay ahaayeen laba qarax oo ay u dhaxaysay daqiiqado.

Qaraxa ayaa gaystay dhimasho iyo dhaawac, laakin lama oga khasaaraha rasmiga ah. Mas’uuliyiinta amniga aysan wali ka hadlin.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, laakin inta badan qaraxyadan ceynkan ah ayaa waxaa geysta kooxda Al-Shabaab oo asbuucyadii la soo dhaafay wajaheysay gulufkii ugu adkaa ee dagaal ee looga qabsaday deegaanno badan oo ay sanado badan ka talineysay.

Wixii war ah ee ku soo kordha halkan ayaan idinkugu soo gudbineynaa.

XS
SM
MD
LG