14 urur siyasadeed ayaa Somaliland ka diiwan gashan. Ururka OGAAL waa ururka kaliya ee ay gabadhi gudoomiye ka tahay islamarkaana la tartamaysa 13 urur oo ay rag hogaaminayaan.
Haddaba Khadar Maxamed Cakule ayaa ka wareystay Rooda Cabdi Muuse oo ah gabadha kaliya ee urur samaysay, ahna gudoomiyaha Ururka Ogaal, waxaanu ugu horeyn waydiiyey sababta ku kaliftay inay urur siyaaddeed samayso.